Booliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay Xasan Cabdikariin iyo Shukri Cali oo ku eedeysayn in ay jirdil iyo dhaawac u gaysteen Gabar yar oo 13 jir ah oo lagu magacaabo Caasho Cali kuna nooleed guridooda.
War kasoo baxay Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Xasan iyo Shukri loo gudbin doonno Maxkamadda awoodda u leh kiiskooda si loogu qaado ciqaabta ka dhalanaysa dambiga ay gaysteen sida hadalka loo dhigay.
Kiisaska ka dhanka ah dambiyo la xiriira carruur loo gaystay xadgudubyo ayaa horay loo horgeeyay qaar kamid ah Maxkamadaha Dalka, arrintaan ayaa hadal hayn badan dhalisay iyada oo Dowladda Federaalka laga codsaday in ay sharci adag kasoo saarto.
Mustaqbal
