Wasiir Cali Balcad oo sheegay in Dowladda diyaar u tahay in la wadaago dakhliga nidaamka e-Visa

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamuud Axmed (Cali Balcad), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa) ee dowladda Federaalka hirgelisay 1-dii Sebteembar 2025, kaasi oo weli wajahaya tabasho iyo muran siyaasadeed.

Wasiirku wuxuu qiray in Puntland iyo Somaliland ay cabasho ka muujiyeen nidaamka e-Visa, isagoo xusay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wadahadal iyo in la wadaago dakhliga kasoo xarooda nidaamkan.

Nidaamka e-Visa, oo waajib ku ah qof kasta oo ajnabi ah oo dalka soo galaya, ayaa khidmaddiisu tahay 64 dollar, taas oo si toos ah ugu dhacda qasnadda dhexe ee dowladda.

Cali Balcad ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ogoshahay in la wadaago dhaqaalaha ka soo baxa e-Visa, gaar ahaan marka ay khuseyso duullimaadyada u socda magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, si loo dhimo tabashooyinka jira loona abuuro hannaan wada shaqeyn oo hufan.

Puntland iyo Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqay in aysan aqoonsanayn nidaamka e-Visa, waxayna weli ka qaadaan lacag qof kasta oo ka soo dega garoomada ay maamulaan, taas oo keentay in rakaabku laba jeer bixiyaan lacag kala duwan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Madaxweynaha Xasan Shiikh oo u jawaabay hadallo ka soo yeeray siyaasiyiinta mucaaradka

Read Next

Soomaalida ku nool Minnesota oo dhigay Dibadbax ka dhan ah Madaxweyne Trump