Madaxweynaha Xasan Shiikh oo u jawaabay hadallo ka soo yeeray siyaasiyiinta mucaaradka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka jawaabay hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, oo hore xilal uga soo qabtay dalka, kuwaas oo dhaliilo u jeediyay dowladda.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu soo xiray Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladda ka shaqeysay sare u qaadida amniga guud ee dalka, isagoo qiray in ay weli jiraan caqabado.

“Dalka waa ka jirtaa baahi, balse dowladda ma awoodo in ay wax walba maareyso. Saaxiibbadey siyaasiyiinta ah waxaan leeyahay: dadka wixii shalay loo sheegi jiray maanta looma sheegi karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya kadib markii Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu sheegay in dalka ay ka jirto baahi daran oo sababtay in shacabka qaarkood aysan awoodin helista saddexda waqti cuntada maalintii.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay dadaallo lagu yaraynayo culaysyada jira, isaga oo ku baaqay in siyaasiyiintu ka shaqeeyaan midnimada iyo xal u helidda caqabadaha dalka ka jira, halkii ay abuuri lahaayeen hadallo horseeda niyad-jab bulsho.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MD Xasan Shiikh oo soo xiray shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya

Read Next

Wasiir Cali Balcad oo sheegay in Dowladda diyaar u tahay in la wadaago dakhliga nidaamka e-Visa