Dowladda Soomaaliya oo soo kordhisay nidaam casri ah oo lagu oggaan karo Markaakiibta imaanaya Dekadaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, ayaa soo saartay amar ku socda dhammaan Maraakiibta iyo gaadiidka kale ee soo galaya Badda Soomaaliya, kaasi oo la xiriira in la fuliyo nidaamka cusub ee ECTN (Electronic Cargo Tracking Note).

Nidaamka cusub ayaa waajib uga dhiagay in Maraakiibta imaaneysa gudaha Soomaaliya si adag loo hubiyo, iyadoo la eegayo alaabaha ay sidaan.

Sida ku cad waraaq rasmiga ah ee ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Dekadaha waxaa la faray in la fuliyo nidaamka si gaar ah dadka ku lugta leh howlaha gacansiga iyo dhoofinta ee isticmaala badda Soomaaliya.

Rarka ka imanaya dalalka caalamka waa in ay soo gudbiyaan macluumaad, isla markaasna ay soo qaataan Nidaamka ECTN kahor inta aanay alaabta dejin ama dhoofin.

Alaab kasta oo aan haysan ECTN sax ah looma oggolaan doono inay ku soo xirato dekadaha Soomaaliya, waxaana la isugu darayaa ganaax iyo xannibaad, sida ku xusan Bayaanka Wasaaradda Dekadaha Soomaaliya.

Wasaaraddu waxa ay caddeysay in nidaamka ECTN uu si buuxda uga shaqeynayo dhamaan dekedaha Soomaaliya tan iyo 1-dii Febraayo 2023, isla markaana laga dhigay mid dhijitaal ah.

Ujeeddada nidaamkan ayay Dowladda ku sheegtay si loo yareeyo khaladaadka, lana ilaaliyo ganacsiga, iyadoo la dhowrayo shuruucda Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale, 1 bishii September ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqan galisay nidaamka E-Visa-ga oo loogu talagalay in lagu casriyeeyo habka fiisaha dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ra’iisul wasaare Xamse oo dhageystay warbixinno la xiriira doorashada qof iyo codka ah

Read Next

Diyaaradaha Maraykanka oo duqeymo ka fuliyay Gobolka Bari