MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”
Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab gaar ahaan qaybta 43aad ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka sameeyay deegaanno hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland sida ay ku warrameen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas.

Ciidanka oo helay xogo la xiriira dhaqdhaqaaq ay wadeen ‘AS’ ayaa la sheegay in ay kahortageen isla markaana khasaara xooggan ay gaarsiiyeen xubnihii ‘AS’ katirsanaa ee beegsanayeen sida warka loo dhigay.

Meelaha sida gaar ah ee ciidamada uga howlgaleen waxaa kamid ah Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile oo dhammaan hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.

Deegaannadaan dhaca Koofurta Gobolka Jubada Hoose waxaa ku sugan ‘AS’ iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen dhaqdhaqaaq ka dhan ah oo ay si wadajir ah u wadeen ciidamada Federaalka gaar ahaan kumaandooska Danab, Daraawiishta Jubbaland & ciidamo deegaan ah.
Mustaqbal
