Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Koofur Afrika ayaa magangalyo ku meel gaar ah siisay 153 qof oo ka yimid Qasa, kuwaasoo ku safrayay dukumiintiyo aan sax aheyd.
Muwaadiniintan ayaa kasoo safray Israel gaar ahaan Ramon Airport, iyagoo maray Nairobi, Kenya, si ay uga raadsadaan magangalyo Koofur Afrika, balse markii hore ayaa laga diiday inay gudaha galaan, maadaama aysan buuxin shuruudihii caadiga ahaa sida waraysiyo iyo calaamadaha ka bixitaanka dalalkooda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Palestine ayaa sheegtay:
“Waxaan ku muujineynaa qadarin iyo ixtiraam go’aanka suvereenka ah ee Koofur Afrika ee ogolaaday in muwaadiniinteena Gaza ay galaan dalka, inkastoo aysan horey ula soo xiriirin hay’adaha dalkaas.
Koofur Afrika ayaa si ku meel gaar ah u siisay visa 90-maalmood ah muwaadiniintan, si ay gudaha dalka u joogaan iyagoo sugaya habraacyada magangalyo raadsiga.
Mustaqbal
