Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Amniga ee Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta ammaanka iyo dardar-gelinta howlaha lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Shirka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirrada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Madaxtooyada, Taliyeyaasha Ciidanka, iyo saraakiil ka tirsan Howlgalka AUSSOM.
Mas’uuliyiintu waxay si qoto dheer uga doodeen xaaladda amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, qorshayaasha horumarineed, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in Koofur Galbeed ay qaadayso dagaal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo ku boorriyey hay’adaha amniga inay kordhiyaan feejignaanta, lana shaqeeyaan bulshada si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.
Wuxuu mahadcelin u diray ciidamada qalabka sida ee howlgalada qorsheysan ka wada gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, kuwaas oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta sugidda amniga gobolka.
Mustaqbal
