Puntland oo sheegtay in ay qabatay Raashin loo waday Daacish

Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay Raashin ay sheegeen in loo waday Daacish oo dagaal adag kala dhaxeeya kaddib markii howlgal qorsheysan oo ka dhacay Deegaanka Yalho ee Gobolka Bari.

Saraakiil katirsan Ciidamada Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay heleen xogta Raashinkaan oo isugu jiray Bur, Bariis, Caana boore iyo Saliid kaddibna ku guulaysteen in ay qabtaan.

Puntland waxa ay sheegtay in xeelado cusub in ay kusoo kordhisay howlgallada ka dhanka ah Daacish ee lagu magacaabo Hillaac, waxa ay tilmaamtay in ay beegsaneyso ilaha dhaqaalaha iyo Sahayda maadaama ay go’doomiyeen xubnahaas sida ay hadalka u dhigeen.

Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen Ajaanib dalal kala duwan u dhashay oo kamid ahaa Daacish, Nin u dhashay Itoobiya ayay dhowaan soo bandhigeen Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dekedda Muqdisho oo laga dhigay mid shaqeyneyso Habeen & Maalin

Read Next

Qaadashada kaararka dadka isku diiwaangeliyay Doorashada Dadweyne oo Muqdisho ka billaabatay