Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Turkish Airlines ayaa 29 bilood ka dib billowday duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku tagi jirtay dalka Suudaan, tillaabadaasi oo ay soo dhoweeyeen shacabka iyo dowladda oo xilli adag ku jira.
Munaasabadda lagu daahfuray duulimaadyada ayaa waxaa ka qeyb galay madax sare oo ka kala tirsan dowladaha Suudaan iyo Turkiga, iyadoo lagu boggaadiyay go’aanka geesinimada leh.
Safaaradda Türkiye ee Suudaan ayaa ku dhawaaqday dib u bilaabashada duulimaadyada soo hadda ka degaya magaalada Port Sudan oo ah dekedda ugu weyn dalka.
“Duulimaadyadan waxaan mar kale ku muujinay in shacabka Turkiga iyo dowladda Türkiye ay garab taagan yihiin saaxiibadooda xilliyada adag,” ayuu yiri Danjire Fatih Yildiz.
Danjiraha oo sii hadlaya ayaa sheegay in tillaabadani ay tahay farriin cad oo uu Turkiga u diray Dunida oo ah in Suudaan aysan go’doonsanaan doonin.
“Tani waa farriin cad oo muujineysa in Suudaan aysan kaligeed ahayn, isla markaana aan saaxiibadeena la go’doomin karin” ayuu yiri Danjiraha Turkiga ee Suudaan.
Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Turkish Airlines waa tiir muhiim u ah siyaasadda iyo diblomaasiyadda arrimaha dibadda ee Türkiye,”
Dib u bilaabashada duulimaadyada ee Turkish Airline ayaa ka dhigan in go’doonka laga qaaday Shacabka Suudaan ee mudada dheer wajahayay culeysyada dhinaca socdaalka.
Diyaaradan Turkish Airline ayaa duulimaadyo ku tagta 63 magaalo oo ku yaalla Qaaradda Afrika.
Mustaqbal
