Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa qabatay kulan wada-tashi ah oo diirada lagu saarey sidii Soomaaliya uga mid noqon lahayd Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika, si dalka looga faa’iideeyo is-dhexgalka dhijitaalka ah ee Bulshada Bariga Afrika.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socday shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo lagu dhageystay talooyin iyo warbixino ku saabsan kaalinta Soomaaliya ay ka qaadan karto Shabakadda ONA iyo faa’iidada uu dalka u leeyahay.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasin Sheekh, oo furay kulanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay dan weyn ugu jirto ku biirista shabakadda, taas oo gacan ka geysan doonta dhimista kharashyada adeegga moobaylka.
“Ku biirista Soomaaliya ee Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran waxay ka dhigan tahay dhimista kharashaadka adeegga roaming-ka, kobcinta isku-xirnaanta bulshada Bariga Afrika, taageeridda isbeddelkeenna dhijitaalka ah, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka,” ayuu yiri Maareeye Mustafa Yaasin Sheekh.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha Qaranka ee Soomaaliya ee ku biirista ONA, kaas oo diiradda saaraya waafajinta sharciyada iyo canshuuraha gudaha heerarka gobolka.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta ayaa adkeeyay in lagu dadaalo tayada adeegyada isgaarsiinta dalka.

Adeegyada ay Soomaaliya ka faa’iidi doonto Shabakadda Isku-xiran ee Geeska Afrika waxaa ka mid ah in muwaadiniintu marka ay dalka ka baxaan ay weli adeegsan karaan nambarkooda iyaga oo aan beddelin, isla markaana heli karaan wicitaanno, Farriimaha SMS-ka iyo adeegyada internet-ka
Mustaqbal
