Xafiiska Xeer Ilaalinta oo xukun ku riday haweeney la shaqeyn jirtay AS

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay 16 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $20,000 ku xukuntay Caasho Macalin Mursal Cali.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xeer Ilaalinta Ciidanka ayaa lagu sheegay in Caasho lagu helay dambiyo culus oo la xiriira lacaga loo qariyay AS iyo dhaqidda lacag sharci darro ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in baaritaannada la horgeeyay maxkamadda lagu caddeeyay in akoonka Caasho Macalin Mursal Cali lagu marsiiyay lacag gaaraysa $2.12 milyan, taas oo loo adeegsaday maalgelinta argagixisada, dhaqidda lacag sharci darro ah, iyo fududeynta falal amni darro sida qaraxyo iyo dilal qorshaysan.

Maxkamaddu waxay sidoo kale go’aamisay in la baabi’iyo akoonnada ay leedahay, lana wareejiyo hantida ku jirta dowladda.

Hoos ka akhriso qoraalka Xeer ilaalinta

May be an image of text

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ra’iisul wasaare Xamse “Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna Diiwaan galinta dadweynaha ee Doorashada”

Read Next

Turkish Airlines oo 29 bilood ka dib billowday duulimaadyadii tooska ah ee Suudaan