Koox hubaysan oo Gaalkacyo ku dishay Ganacsade Siyaad Cali Xirsi

Magaalada Gaalkacyo dhankeeda Waqooyi waxaa barqonimadii maanta lagu dilay Allaha u naxariistee Siyaad Cali Xirsi oo kamid ah Ganacsatada Magaaladaas, dilka waxaa gaysatay Koox hubaysan oo baxsatay markii ay marxuumku toogtayn kaddib.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo deegaanka ah, Siyaad waxaa markii la dilayay uu joogay goobtiisa ganacsiga oo ku taalla Bartamaha Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug, dhaawac ahaan ayaa loogu qaaday goobaha caafimaadka balse wuu dhintay.

Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa howlgallo culus ka billaabay Magaalada Gaalkacyo, waxa ay raadinayaan kooxaha dilalka aanooyinka la xiriira ku beegsanaya Dhaqaatiirta, Ganacsatada iyo shaqsiyaad kale.

Dhowaan waxaa Gaalkacyo lagu dilay labo dhaqtar oo kooxihii dilay ilaa haatan aan lasoo qaban, laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin xal u helista dilalkaas oo cabsi ku dhaliyay qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Donald Trump & Xi Jinping oo kawada hadlaya Mustaqbalka aaladda TikTok ee Dalka Maraykanka

Read Next

Militeriga Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay gobolka Shabeellada Hoose