Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Liibaan Muuse Boqor ayaa wadashaqayn ka dalbaday Dowladda Federaalka isaga oo si gaar ah u codsaday in loo fasaxo mashaariicda ay u baahan yihiin sida uu hadalka u dhigay.
Liibaan ayaa sheegay in baahi badan ay hortaagan tahay Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, waxaana uu dhambaal furan u diray Mas’uuliyiinta labada heer si loo abuuro xal wadashaqayn dhalin kara.
“Nasiib darrada i haysato, Wasaaraddii waan daadihinayaa baahiduna way badan tahay, Waxa aan u baahanahay annaga iyo Dowladda Federaalka in aan iska kaashanyo baahida halkaan ka jirto,” Liibaan Muuse Boqor, Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Dowlad-Goboleedka Puntland.
Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa muddo aanay wanaagsanayn, Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Dowlad-Goboleedkaas ayaa baaqa uu diray weli wax jawaab ah ka helin Dowladda Dhexe.
Mustaqbal
