Booliiska Soomaaliya oo sheegay in lala xisaabtami doonno dadka muuqaallada ku duuba Labiska Ciidanka

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah dad uu sheegay in ay muuqaallo isaga duubaan dareeska ciidanka.

Cabdifitaax waxa uu sheegay in waaxda ciidamada u qaabilsan dhinaca la socodka Baraha Bulshada ay diiwaangelinayaan ciddii khilaafta ama is hor istaagta go’aankaan si loola xisaabtamo sida uu hadalka u dhigay.

“Hay’adaha, Shirkadaha & cid weliba oo muuqaallada duubta ee isticmaalka dharka ciidamada waxaa la farayaa in ay fasax ka qaataan cidda iska leh dharka ay adeegsanayaan ayna kor joogteeyaan Hay’adaha u qaabilsan Isgaarsiinta” Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Booliiska ayaa digniin u diray Milkiileyaasha leh guryaha ay isugu tagaan Dad u badan dhallinyaro ee muuqaallada ‘Aflagaadada ah’ ku duuba, waxa uu Afhayeenku sheegay in cid weliba oo leh guryahaas lagula xisaabtami doonno.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray Dad ku eedaysan ‘Anshax xumo’ kuwaas oo Booliisku sheegay in la horgaynayo Maxkamadda awoodda u leh in ay qaaddo Kiiskooda sida hadalka loo dhigay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maamulka Manchester United & Macallin Ruben Amorim oo taagan meeshii ay ku kala tagi lahaayeen  

Read Next

Wasiir katirsan Xukuumadda Deni oo wadashaqayn ka dalbaday Dowladda Federaalka