Maraykanka oo sheegay in duqaymo uu ka fuliyay DG Puntland lagu dilay xubno katirsan Daacish

War kasoo baxay Taliska howlgalka Maraykanka Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymo ay ka fuliyeen Buuraha Goolis ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland lagu beegsaday xubno katirsan Daacish.

Howlgalladaan ayaa socday muddo labo todobaad ah, Diyaaradaha Maraykanka ee Duulliye la’aanta ah Drones-ka ayaa fuliyay iyaga oo bartilmaameedsaday goobo cayiman oo sahmin lagu sameeyay sida hadalka loo dhigay.

Maraykanka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid ka dhan ah hoggaamiyeyaasha Kooxda Daacish ee ku xooggan Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland gaar ahaan dhulka buuraleyda ah, waxa uu doorkiisu yahay fulinta duqeymaha.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxay kawada hadleen Mas’uuliyiinta Soomaaliya ka socotay & Kuwa Maraykanka ee ka qaybgalay Shirka IMAGE?

Read Next

Somaliland oo sheegtay in DFS ka heshay deeq lacageed oo dhan $700,000.