Maxay kawada hadleen Mas’uuliyiinta Soomaaliya ka socotay & Kuwa Maraykanka ee ka qaybgalay Shirka IMAGE?

Magaalada Houston Gobolka Texas ee Dalka Maraykanka waxaa ku kulmay Danjiraha Soomaaliya ee Dalkaas Daahir Xasan Carab, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Daahir Shire, Maareeya guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Injineer Cabdulqaadir Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Madaxda Shirkadaha Shidaalka & Gaaska Maraykanka.

Wufuudda labada dhinac waa Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ah ee kulmay waxa ay marti ku ahaayeen shirweynaha Caalamiga ah ee sanadlaha ah IMAGE Housten, waxa ay is dhaafsadeen badqabka Tamarta iyo sida looga faa’iideysan karo sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Maraykanka.

Soomaaliya ayaa kasoo muuqatay shirarka caalamiga ahaa ee looga hadlay dhinaca Tamarta iyo shidaalka iyada oo heshiis horay ula gashay Turkiga lagu baaray sahmintii lagu sameeyay ceelasha shidaalka oo dhowaan soosaarkooda lagu dhaqaaqayo.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Isbitaalka Guuleed ka daahfurtay Barnaamij lagu xirayo Wadnaha Duleela ee Carruurta

Read Next

Maraykanka oo sheegay in duqaymo uu ka fuliyay DG Puntland lagu dilay xubno katirsan Daacish