Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa isbitaalka Guuleed ee Magaalada Muqdisho ka daahfurtay Barnaamij lagu sameynayo xiridda Wadnaha Duleela ee Carruurta, waxaa ka faa’iideysanaya 15 carruur.
Barnaamijkaan lagu xirayo wadnaha duleela waxaa iska kaashanaya Hop For Little Hearts Foundation, Guuleed Specialist Hospital & Mogadishu Heart Center oo ay taageereyso Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, waxa uu soconayaa 25ka Agoosto 2025 ilaa 27ka bishaan.
Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay in fursaddaan ay muhiim u tahay carruurta wadnaha duleela, waxa uu u mahadceliyay cid weliba oo gacan ka gaysatay sidii loo caawin lahaa carruurtaan.
“Dhaqaatiir isugu jirta Soomaali & Hindi ayaa fulinaya barnaamijkaan lagu xirayo Wadnaha Duleela ee Carruurta, Carruurtaan waxa ay dhibaato ku qabeen Xannuunkaan, muddo dheer ayaan ka shaqayneynay anaga oo ah Horumuud Salaam Foundation, Hop For Little Hearts Foundation, Guuleed Specialist Hospital & Mogadishu Heart Center” Ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Cismaan Guddoomiyaha Hay’adda HSF.
Dr Maxamed Guuleed oo ah madaxa caafimaadka Isbitaalka Guuleed ayaa dhankiisa Hay’adda Hormuud Salaam Foundation (HSF) uga mahadceliyay doorka firfircoon ay ka qaadanayso badbaadinta Carruurta maadaama horay u fulisay barnaamijyo guulaystay.
Dr. Maxamed Axmed Nairobi oo ku takhasusay Cudurrada Carruurta, wadnaha iyo qaliimadooda ahna madaxa Mogadishu Heart Centre ayaa u mahadceliyay Hay’adihii iyo isbitaalka ka qeyb qaatay taaba galka barnaamijkan muhiimka ah.
Howshaan fulinteeda oo ay qayb ka yihiin Dhaqaatiirta Ajaanibta ah ayaa mid kamid ah dhaqaatiirtaas waxa uu mahad gaar ah u celiyay cid weliba oo gacan ka gaysatay daboolista wadnaha duleela ee carruurtaan loo adeegayo.
Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa horay u fulisay barnaamijyo badan oo lagu badbaadiyay carruurta u baahan qalliimada culus ee dhinaca Wadnaha, qaarkood ayay dibadda u qaadeen kuwaas oo dalkooda dib ugu soo laabtay.
HSF waxa ay sidoo kale ka qayb qaadaataa u gurmashada Dadka dhibaataysan sida kuwa saamaynta taban ku reebeen abaaraha, daminta dabka, garab istaagga dadka u baahan caawinaadda iyo abuurista fursadaha shaqo oo dad badan ay ka faa’iidaysteen.
Mustaqbal
