Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la dilay Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen) oo ahaa sarkaal ka tirsan AS, ka dib howlgal ka dhacay deegaanka Buurdhuxunle oo 17km waqooyi kaga beegan magaalada Waajid ee gobolka Bakool.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka ay fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka, iyadoo lagu dilay saraakaalkan oo muddo 15 sano ah ka tirsanaa AS.
Qoraalka Dowladda ayaa lagu sheegay in sarkaalkan uu ka howlgalayay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose, Mudug, Galgaduud, Baay, Bakool iyo Gedo.
Sidoo kale, qoraalka dowladda ayaa lagu tilmaamay in sarkaalkan uu qeyb ka soo qaatay dagaallo ay galeen AS, isagoo soo noqday ku-xigeenkii Fu’aad Maxamed Shongole.
Hoos ka akhriso qoraalka dowladda

Mustaqbal
