Xildhibaannada Maamulka Waqooyi Bari oo la dhaariyay

Magaalada Laascaanood ee Xarruunta Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya waxaa lagu dhaariyay Xildhibaannada Dowlad-goboleedkaasi, iyadoo la guddoonsiiyay Shahaadada Xildhibaannimo.

Ku simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Waqooyi Bari, Maxamed Yuusuf Warsame ayaa si rasmi ah u dhaariyay Xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedkaasi.

May be an image of 5 people and dais

Intaasi ka dib waxaa xiga in Xildhibaannada ay doortaan Guddoonkooda, waxaana la guda gali doona Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka socda diyaar garowga Doorashada, iyadoo ay ku sugan yihiin tobanaan Musharixiin ah.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

DFS oo sheegtay in Sarkaal ka tirsan AS lagu dilay gobolka Bakool

Read Next

RW Ingiriiska oo qayb ka noqonaya kulanka maanta dhexmaraya Trump & Zelensky