Askar ku soo dhaawacmay furimaha hore oo dib loogu celiyay gobolka Hiiraan

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf-Dabageed) ayaa garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxa uu ku sagootiyey 50 ruux oo ka mid ah xaq-u-dirirka deegaanka (Macawiisleey) kuwaas oo kasoo kabtay dhaawacyadii dagaalka AS.

Qaar ka mid ah xubnaha macawiisleeyda ee maanta u safray magaalada Buulo-burte ayaa Dowladda Hirshabeelle uga mahadceliyey garab-istaaga iyo in dib ay ula midoobaan qoysaskooda oo muddo ay kala maqnaayeen.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa kula dardaarmay: “Runtii ma jirto geesinimo ka weyn dhaawiciina kaddib inaad markale ku laabaneysaan fagaaraha dagaalka ee aad ku ciqaabteen AS. Tani waxay rejo u tahay shacabka Soomaaliyeed.” 

Mustaqbal

MM News

Read Previous

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb ku wajahan

Read Next

DFS oo sheegtay in Sarkaal ka tirsan AS lagu dilay gobolka Bakool