Wasiirka Gaashaandhigga XFS “Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ wuu soconayaa inta dhulka Soomaaliya laga saarayo”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay howlgalka sida wadajir ah ay u fuliyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM kuna qabsadeen Bariire waxa uu bogaadiyay natiijada ka dhalatay howlgalkaas.

Danjire Axmed Fiqi ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ sii soconayaan ilaa inta guud ahaan Dalka laga saarayo sida uu yiri, waxa uu intaas ku daray in ciidamada ay gudanayaan waajibaadka ka saaran fulinta howlgalladaas culus.

Iskaashiga Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ayuu ku tilmaamay in lagu gaarayo natiijooyin muuqda, ka Wasaarad Gaashaandhig waxa uu sheegay in ay dhinac taagan tahay howlgalladaas socda.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika gaar ahaan askarta ka socota Dalka Uganda ayaa howlgallo culus kawada deegaanno iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

DFS oo Ghana uga tacsiyeysay Shilkii Diyaarad ee ka dhacay Dalkaas

Read Next

Trump oo Ukraine u sheegay in Ruushka uu qaadan doonno qayb kamid ah dhulka uu ka qabsaday