Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Ukraine si cad ugu sheegay in ay lumin doonto qayb kamid ah dhulkeeda oo haatan Ruushka haysto, waxa uu intaas ku daray in qaybta kale lagu soo celin doonno wadahadal uusan sheegin xiliga uu dhacayo iyo goobta uu ka qabsoomayo.
Donald Trump ayaa arrintaan uu ku dhawaaqay reer Ukraine ka dhigay mid niyadda ka jabisa maadaama gobollo badan uu Ruushka uga qabsaday dagaalkii billowday sanadkii sanadkii 2022kii, halka la arkay Xukuumadda Moscow oo afti ka qaadeysa qaar kamid ah Gobolladii ay qabsatay.
Trump oo dhowaan hubka difaaca geeyay Ukraine ayaa Ruushka ugu goodiyay haddii uu xoogga saari waayo wadahadalka xalka lagu raadinayo in Maraykanka uu si toos ah u faragelin doonno balse Moscow ayaa arrintaas ku tilmaamtay mid aanay ku dhicin Washington oo dagaal diyaar u yihiin dhankooda.
Arrintaan waxa ay bannaan doontaa in dalal badan ay dagaallo isku wajahaan si waddankii wax qabsada uu u qaato qayb kamid ah dhulka uu qabsaday, digniin xooggan ayaa laga muujinayaa maadaama colaadda duniga ay sii korortay sanadihii u dambeeyay, waxaa jira Waddamo isku goodinaya oo suuragal ah in ay dagaalamaan.
Mustaqbal
