DFS oo Ghana uga tacsiyeysay Shilkii Diyaarad ee ka dhacay Dalkaas

Qoraal lagu daabacay Barta Xiriirka Bulshada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tacsi loogu diray Madaxda iyo Shacabka Ghana geerida ku timid 8 xubnood oo la socday diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ku dhacday Gobolka Ashanti.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad ay garab taagan tahay dhiggeeda Ghana oo la murugeysan dhibaatada ka dhalatay shilkaas diyaarad ee galaaftay nolosha Wasiirrada iyo saraakiisha la socotay.

Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa xaalad baroordiiq ah geliyay dalkiisa muddo saddex cisho ah si uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Felix Kwakye Ofosu oo Warbaahinta la wadaagay go’aankaas.

Afrika waxaa kusii kordhaya shilalka diyaaradeed gaar ahaan kuwa gaarka ah iyo Militariga, si dhab ah faah-faahin dhammeystiran lagama soo gudbi marka guddiyada ka shaqeynaya arrintaan ay sameeyaan baarista loo xilsaaro.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xanuunka Kaduudiyaha ayaa ku faafaya Shiinaha iyo Taiwan

Read Next

Wasiirka Gaashaandhigga XFS “Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ wuu soconayaa inta dhulka Soomaaliya laga saarayo”