Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca
Suuqa Siinaay waxaa saakay dadka ku ganacsada iyo kuwa degen waaga ugu baryay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidkooda oo xiray dhammaan waddooyinka muhiimka u ah isu socodka suuqaas.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa joojiyay isu socodka Gaadiidka Waddada Wadnaha, waxa ay jidka ka xireen inta u dhaxeysa Afarta Jardiin ilaa Foloronsa, waxaana dadka loo diiday in ay gudaha u galaan suuqa Siinaay.
Waxa ay wararku intaas ku darayaan in Gudaha Suuqa Siinaay Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqdisho lagu dhex arkayo Gawaarida loo yaqaan Cagafta ee loo adeegsado duminta kuwaas oo burburin ku billaabay qaybo kamid ah dhismooyinka.
Labo maalin kahor ayay ahayd markii ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo qaarkood la socday Xildhibaanno xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka ay isku fadhiyeen Suuqa Siinaay si ay uga hortagaan in la dumiyo suuqaas inkasta oo markii dambe la kala qaaday ciidankaas.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
