Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ruqsad siisay Shirkadda bixisa adeegga Internet-ka Xawaaraha sare leh ee lagu magacaabo Starlink oo uu leeyahay Maalqabaynta u dhashay Dalka Maraykanka ee Elon Musk.
Wadahadal qaatay Muddo labo sano iyo bar ah kaddib, waxa ay Dowladda Federaalka ruqsad fasax ah siisay Shirkadda Starlink oo haatan wixii ka dambeeya ka howlgalaysa Dalka si ay u bixiso adeeggeeda.
Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in ruqsadda la siiyay Shirkadda Starlink iyada oo loo maray shuruucda Hay’addaan u taalla.
“Wadahadal inoo socday Shirkaddaan (Starlink) muddo labo sano iyo bar ah kaddib waxa aan siinay ruqsadda” sida uu yiri Mustafa Yaasiin, Agaasimaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.
Elon Musk ayaa dhankiisa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter waxa uu ku xaqiijiyay arrintaan isaga oo yiri “Internetka Xawaaraha sare ee aan daahayn ee Starlink hadda Soomaaliya waa ku diyaar”.
Ruqsadaan la siiyay Shirkaddaan uu leeyahay ninka dunida ugu lacagta badan ee Elon Musk waxa ay ka dhigeysaa in uu kasoo bixi doonno shuruudaha la hordhigay oo ah in adeeg tayo leh oo ku xiran Dayaxa macmalka ah (Satellite) gaarsiiyo Soomaaliya.
Xog uruurin uu sameeyay Bangiga Adduunka sanadkii 2022 waxaa lagu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay la jaanqaadeyso dunida casriga ah ee dhinaca Internetka una baahan yahay qad awood sare leh maadaama arrintaan ay aasaasi u tahay Waxbarashada, Adeegyada Caafimaadka iyo dhaqaalaha.
Mustaqbal
