Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Inta badan Warbaahinta Israa’iil ayaa Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in uu jahwareerin ku hayo bulshada Yuhuudda ah kaddib markii saacado gudahood uu kusoo gudbiyay warbixinno is diidaya sida in uu arrinta Gaza uu ku wajahayo nabad halka markale uu ku hanjabay in uu adeegsanayo Awood Militari.
Warbaahinta laga dhex xigtay warbixintaan waxaa kamid ah Channel 12 & Jerusalem Post, waxa ay dhaliileen hab-dhaqanka Siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu ku wajahayo Xaaladda Magaalada Gaza, Maxaabiista Israa’iil laga hayo iyo Saraakiisha diidan in ay hoggaamiyaan dagaalkaas.
Golaha Ammaanka ayaa maanta fadhi ka leh arrinta Gaza kaddib soo jeedin ka timid Danjiraha Israa’iil ee Qaramada Midoobay, waxa ay sheegtay in la joogo waqtigii la fasixi lahaa gargaarka bani aadamnimo ee ciidamada maamulkeeda hortaagan yihiin si loosoo afjaro xaaladda macluusha ah ee taagan.
Tallaadaan mid ka duwan waxaa ku dhaqaaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo Golihiisa Wasiirrada si wadajir ah ugu sheegay in uu diyaar u yahay duullaan damaciisu yahay qabsashada Magaalada Gaza guud ahaan oo billaabanaya todobaadka soo socda sida uu hadalka u dhigay.
Istaraatiijiyadda cusub ee dagaalka ayuu sheegay in ay degsan tahay, tani waxa ay muujineysaa sida uu ugu biratumayo colaad kale oo ku faafta Gaza, arrinta layaabka leh ee falanqaynta dhalisay ayaa ah in tallaabooyinka iyo hadallada Netanyahu ay noqdeen kuwo iska hor imaanaya marka la eego labada dhabbe uu qaaday.
Ku dhowaad 600 oo sarkaal oo laf-dhabar u ahaa Ciidamada Israa’iil ayaa shaqada ka fariistay, waxa ay si cad u diideen duullaanka Gaza in uu sii socda, sidoo kale waxa ay carrabka ku adkeeyeen in aanay fududeyn dagaalka Magaaladaas oo ku waqti dheeraaday marka la eego waqtiga uu qaatay, khasaarahana ku kordhay.
Mustaqbal
