Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhigiisa Turkiga kala hadlay dagaalka AS

Kulan saacado qaatay ayay magaalada Ankara ku yeesheen Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diirada ku saarey saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, amniga iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in iskaashiga u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu sii kobcayo, isla markaana la qaadi doono tallaabooyin hor leh oo lagu horumarinayo xiriirka labada dal.

Erdogan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Ankara ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah AS.

Wuxuu sheegay in midnimada Soomaaliya ay tahay muhiim, gaar ahaan si guul rasmi ah looga gaaro dagaalka ka socda dalka ee ka dhanka ah AS.

Dhinaciisa, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga uga mahadceliyay taageerada soo jireenka ah, isaga oo ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan saaxiibtinimada labada dal.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga gaar ahaan dagaalka AS, horumarka, dib-u-dhiska dalka iyo Hay’addaha Dowliga.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Masar oo Shiinaha ka iibsatay Nidaamka Difaaca Cirka

Read Next

Shir waynihii dhismaha SSC Khaatumo oo markale baaqday