Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo dhaqdhaaqyo ka dhan ah AS ka wada Hiiraan.

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa dhaqdhaaqyo ka dhan ah AS ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ka wadaan kulamo looga hadlay dib u qabsashada magaalada Moqokori.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ahna Lataliyaha Madaxweyne Xasan Shiikh ee ciidamada Macawiisleyda, Cali Jeyte Cusmaan ayaa adkeeyay in ay dib ugu noqon doonaan magaalada Moqokori oo ay hore uga soo baxeen.

Sidoo kale, Cali Jeyte ayaa caddeeyay in ay socdaan dadaallo dib loogu habeynayo ciidamada deegaanka, si ay u xoojiyaan dagaalka una qabsadaan deegaanno hor leh.

Mas’uuliyiinta heer gobol iyo Federaal ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Maxaas, halkaasi oo ay kulamo looga hadlay xaaladda magaalada Moqokori kula yeesheen dadka deegaanka iyo hoggaanka dhaqanka.

Magaalada Moqokori oo ku taalla meel u dhaw xadka labada gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa waxaa dhawaan la wareegay AS, ka dib markii dagaal halkaasi ka dhacay.

Mustaqbal

 

 

MM News

Read Previous

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulamo looga hadlayo dhismaha Maamulka SSC ka wada Laascaanood

Read Next

Uganda oo baareysa shil diyaarad ay leeyihiin ku gashay Garoonka Muqdisho