Hay’adaha hantidhowrka Soomaaliya & Turkiga oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah

Xafiiska hantidhowrka guud ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya  iyo maxkamadda xisaabta ee jamhuuriyadda Turkiga  ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is af-garad ah.

Hishiiska ay gaareen labada hay’adood ayaa ku saabsan qodobo dhowr ah oo ay ka midyihiin; is dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xariirta man-hajka iyo habraacyada fulinta Hantidhowris madaxbannaan iyo korjoogteynta hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud ee Qaranka,

Sidoo kale labada hay’adood isla gartay wadaagista waaya-aragnimada la xariirta Baarisyada waxqabadka, u Hoggaansanaanta Sharciga, Nidaamyada Macluumaadka Teknolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.

Qodobada kale waxaa ka mid ah Suuragelinta iyo fududeynta waxbarashada Masters-ka iyo PhD ee la xiriirta Maaddooyinka Sharciga iyo Xeer-dejinta, Dembiyada Maaliyadda, Caddaaladda Dembiyada, IT-ga, Xisaabaadka, Dhaqaalaha, Tiro-koobka, Baarisyada Waxsoosaar Khayraadka, Baarista iyo ka Warbixinta Maamulka Miisaaniyadda Guud.

Taageeridda horumarka Unugyada Baarista Waxsoosaar Khayraadka, dabagalka Natiijada Warbixinnada iyo Tala-soojeedinnada Hantidhowrka, Isku-xirka Hantidhowrista kala duwan iyo xoojinta fahamka waxtarka Mabdiida Hantidhowrista.

Taabagalidda heshiiskan ayaa la filayaa in ay sara u qaado xirfadaha hantidhowrka Soomaaliya  si loo helo Hantidhowris madaxbannaan oo xirfad sare ku dhisan.

Munaasabadda heshiiskan lagu kala saxiixday waxaa goobjoog ka ahaa Hantidhowraha guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Guutaale iyo dhiggiisa dalka Turkiga Metin Yener.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Fallanqayn aragtiyada salka u ah Siyaasadda caalamiga ah (International Politics)

Read Next

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulamo looga hadlayo dhismaha Maamulka SSC ka wada Laascaanood