8; Qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Gobolka Togdheer

Ugu yaraan 8 Qof ayaa ku dhimatay halka lix kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu shil ka dhacay meel ku dhow Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Gaari Bas ah iyo mid Booyad ah ayaa isku dhacay xalay Fiidkii  sida uu Idaacadda Mustaqbal u sheegay mid ka mid ah dadka degaanka.

Waxaa uu sheegay Goobjoogaha in dadka dhintay ay kala yihiin 5 Rag ah iyo saddex Haween ah,kuwaas oo kala saarnaa labada Gaari ee isku dhacay.

Cabdullahi Cali Caalo oo ka mid ah Dadka Magaalada Burco ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in dhaawacyadaasi kuwa halista ah loo qaaday Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Waxaa shilkaas ka badbaaday Wadihii Gaariga Booyadda oo ka baxsaday goobta sida uu Cabdullahi u sheegay Mustaqbal Radio,waxaana dadkii kale ee saarnaa Booyadda iyo Baskaba ay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwo dhaawacmay.

Mustaqbal media

Read Previous

UK oo sheegtay in Gabdho Somali ah oo guurka lagu qasbay ay darbi jiif ku yihiin dalkeeda.

Read Next

10-ka xidig ee kooxohooda ka tagi kara suuqa janaayo.