Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?
Hay’adda IOM ayaa sheegtay in saaka la soo saaray meydka 28 qof oo ka mid ahaa Tahriibayaal ay doomo kula qallibmeen biyaha Dalka Jabuuti.
kooxda Gurmadka deg degga ah ee samata bixinta wada ayaa waxaa ay sheegayaan in gurmadka ay sii wadayaan maaddaama ay wali maqanyihiin dad ka badan 100 Qof oo aan raq iyo ruux lahayn.
Qaar ka mid ah dadkii la badbaadiyay ayaa sheegay in dadka qaarkii aysan awoodin in ay ka badbaadaan Doomaha dagay.
Lalini Veerassamy,oo ah Afhayeenad u hadashay Hay’adda IOM ayaa sheegtay in kooxda Gurmadka wada ay wali baadi goobayaan dadka maqan.
Waxaa ay ku baaqday in gurmadka dadkaas loo fidinayo la ballaariyo islamarkaana laga qeybqaato.
Dalka Jabuuti ayaa waxaa uu noqday marin cusub oo ay dadka tahriibayaasha u marayaan dhinaca dalalka Carabta.
Dadka ugu badan ee Doomahan saaran waxaa ay u kala dhasheen dalalka Eritrea,Itoobiya iyo Soomaaliya.
