Magaalada Quddus ee ay xoogga ku heysato Israel waxaa lagu soo gaba gabeeyay kulan looga hadlayay sida wax looga qaban karo xaaldaha Gobolka Bariga dhexe oo dad kala aragti duwan ay isku hayaan.
Kulankaas oo ka dhacay Xarunta arrimaha Bulshada ee Quddus,ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka kala socday Israel, Waddamada Carabta iyo Dadka Kurdiyiinta ah.
Ujeedada kulankan ayaa lagu sheegay in la is dhaafsado aragtida ku aaddan in la sameeyo Hab ama nidaam Federaal ah oo laga hirgeliyo bariga dhexe,kaas oo ay xubno ka wada yihiin dadka isku haya Gobolka.
Dadka qaar ee kulanka ka qeybgalay ayaa dhinaca Skype-ka uga qeybqaadanayay,iyaga oo jooga dibadda,halka kuwo kale oo kulanka fadhiyay ay qariyeen magacyadooda,sababta oo ah waxaa ay ka socdeen dalal Carbeed oo aan aqoonsaneyn Israel,laakiin waxaa ay daneynayeen aragti is weydaarsiga la xiriira Federaaleynta Bariga dhexe.
Habkan Federaaleynta waxaa ku wada jiri kara Ciraaq, Syria, Joordan, Israel, Lebonan Kurdiyiinta iyo dadka kale ee oggolaada ka mid noqoshada Habkan Federaalka ah.
“kulamada noocan ah waa kuwo aad muhiim ugu ah Bariga dhexe,si loo abuuro isfaham guud”,waxaa sidaas yiri Ceng Sagnic, oo ka socday Isu duwaha Machadka Daraasaadka Kurdiyiinta ee Bariga dhexe oo kulanka ka qeybgalay.
Dan Diker¸oo ah Agaasimaha machadka mashruuca siyaasadda ee JCPA, ayaa sheegay in kulamadan oo kale la qorsheeyay Gugii carabta ka hor laakiin ay adkaatay in la qabto,sidaas darteedna ay hadda banaantahay fursad lagu dhameyn karo mushkiladaha taagan.
Guddoomiyaha JCPA, Dore Gold, ayaa soo jeediyay in kulamada noocan ah la sii wado si la isugu dayo hirgelinta aragtida federaaleynta Bariga dhexe.
Duullaankii Mareykanka ee Ciraaq ee sanadkii 2003dii, doorashooyinkii Falastiin ee 2006dii ee ay Xamaas ku heshay aqlabiyadda, Gugii xarabta iyo dhacdooyin kale waxaa ay horudhac u ahaayeen Dimuqraadiyadda Bariga Dhexe ayaa lagu yiri kulanka.
Waxa ugu badan ee aragtidan hori loogu dhaqaajin waayay waxaa ka mid ah kali tali taliyayaasha Bariga dhexe, Dowladaha Boqortooyada ah ee aan dooneyn in uu isbeddel dhoco ayaa ka mid ahaa,waxaase isku daygii meesha looga saarayay ka dhashay sare u kaca Daacish,amni darrada Gobolka sida Ciraaq, Liibiya, Syria iyo Yemen.
Mid ka mid ah sababaha khilaafka ka taagan Bariga dhexe ayaa lagu sheegay in ay tahay in Sunniyiinta ay doonayaan hirgelinta aragtidooda, Shiicada sidoo kale, Israel sidoo kale, Kurdiyiinta u dagaallamayaan madaxbanaani, Turkiga iyo Iraan oo isu dhawaanaya inkasta oo ay kala aragti duwanyihiin.
Waxaa la isku soo qaaday hanaanka Federaalka ee uu qaadanayo Bariga dhexe ma midka Mareykanka, kan Canada, ama midka Switzerland, waxaana aan wali la isku raacin nooca la qaadan doono.
Dr. Kamal Allabwani, oo ah Sunni ka soo jeeda Syria, kana mid ah Mucaaridka Syria ayaa qaba in hanaankan Federaalka ah uu xal u yahay Bariga dhexe, islamarkaana uu degganaansho u soo jiidi karo Gobolka.
Waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah Ururrada Ikhwaanul Muslmiinka, Salafiyiintam Iraan,iyo ururro kale oo leh ajende aad u qallafsan,kuwaas oo kaliya looga hortagi karo midnimo.
Waxaa baha kale ee la isku soo qaaday waxaa ka mid ah tartanka Qadar iyo Imaaraadka,waxaana lagu sheegay in Qadar ay maalgeliso Ururka Ikhwaanul Muslimiinka halka Imaaraadka uu ka soo horjeedo,taas oo qeyb ka ah loollanka xasillooni darrada Bariga dhexe.
Qof magaciisa qariyay ayaa sheegay in Maamulidda Turkiga ee Qubrusta waqyooyi oo KMG ahayd ay dheeraatay hadda,waxaase uu sheegay in Turkiga uusan halis u ahayn sida Iraan,isaga oo sheegay in Turkigu yahay dal dimuqraaddi ah oo aragtidiisa beddeli kara Mustaqbalka.
Qof kale oo magaciisa qariyay ayaa yiri “in inta badan Hoggaamiyayaasha Carabta ee hadda talada haya aysan oggolaan doonin Federaalka, sababta oo ah waxaa ay lumin doonaan awoodda ay hadda leeyihiin”.
Isha: The Jerusalem Post..
Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi)
Mustaqbal Radio.
