MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
War kasoo baxay Kooxda Xuutiga ah ee Dalka Yemen ka dagaalanta ayaa lagu sheegay in ay joojiyeen Maraakiibta u socota Israa’iil ee adeegsanaya Badda Cas, waxa ay hanjabaad culus u dirtay maraakiibta iyo doomaha ka dhega furaysta amarkaan.
Kooxaha Xuutiyiinta ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid istaraatiiji ah oo qayb ka noqonaysa dagaalka ka dhanka ah Israa’iil maadaama Xukuumadda Yuhuudda ay joojin waysay beegsiga ka dhanka ah Dalalka saaxiibada la ah sida hadalka loo dhigay.
Afhayeenka Xuutiga ayaa sheegay in arrintaan lagu difaacayo Lubnaan, Falastiin, Iiraan & cid weliba oo dhibaato ku hayso Israa’iil, waxaa kale oo intaas ku daray in looga hortagayo daandaansiga Xukuumadda Netanyahu.
Tallaabadaan haddii ay dhaqangasho waa culays kale oo kusoo kordhaya dhinaca Xukuumadda Benjamin Netanyahu sababtuna waa in Iiraan ay horay uga hor istaagtay Maraakiibtii usoo maraysay Marinka Hormuz, taasi waxa ay culays ku reebtay Yuhuudda.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
