Weeraryahanka kooxda Leicester city iyo xulka qaranka England ee jamie Vardy ayaa si Rasmi ah uga fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah sida laga soo xigtay wargayska The Guardian.
Sida laga soo xigtay wargayska Reer England xiddiga 31 jirka ah ayaa go,aansaday in uu isaga fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah ee xulka qarankiisa si uu fursad u siiyo xiddigaha da,yarka ah.
Wargayska ayaa sheegaya in sababta dhabta ah ee xiddiga reer England ku qasabtay in uu isaga fadhiisto ciyaaraha ay tahay in uu wakhti badan la qaato qoyskiisa.
Jamie Vardy oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Go,aankan waxa uu maskaxdayda ka guuxayay sanado badan gaar ahaan in uu tababaraha xulka England doonayo in uu xulka England noqdo xidigo da,yar ah kadib koobkii adduunka”.
“Waxa aan haatay gaadhay 31 jir waxana aan doonayaa in aan wakhti badan la qaato qoyskayga iskuna diyaariyo kulamada kooxdayda ee horyaalka premier Leageu”.
Si la mid ah daafaca kooxda chelsea ee Gary Cahill ayaa si la mid ah ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaraha caalamiga ah isaga oo go,aankaas ku xaqiijiyay TV-ga kooxda chelsea.
Xiddigan oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” waxa aan dareemayaa in aan joogo wakhtigii ugu fiicnaa ee aan ka fadhiisan lahaa ciyaaraha caalamiga ah.
32 jirkan ayaa ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka England uga qayb galay koobkii adduunka laakiin aan wax kulan ah u ciyaarin xulkiisa tartaankaas.
Cahill ayaa 61 kulan u saftay xulka qaranka England isaga oo u dhaliyay 5 gool intii uu difaacayay maaliyada xulka qarankiisa.
