Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya
Guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u xilsaaray Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed ayaa 34 xubnood ka saaray guddiga doorashooyinka dadban, xubnaha laga saaray Liiska guddiga doorashooyinka ayaa kujiray Liis ka kooban 67 xubnood oo midowga Musgarixiintu u gudbiyey xafiiska Ra’isalwasaaraha
Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji Guddoomiyaha Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ayaa sheegay in 34ta xubnood ee magacyadooda laga saaray liiska guddiga doorashooyinka ay buuxin waayeen Shuruudaha looga baahan yahay qofka kamid noqonaya guddiga.

“3-dii June 2021 oo aan la wareegnay cabashada Xubnaha Guddiga 67-da xubnood waxa aan ku sameynay baaris iyo hubin waxaana kasoo dhex saarnay 34-ruux oo aan soo buuxin shuruudaha xubinnimada Guddiga waxa ay ka kala yimaadeen Dowlad-Goboleedyada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay, dib ayaan ugu celinay meelihii laga soo magacaabay si loosoo badalo 48-saac (labo cishe)” ayuu yiri Cabdullaahi Carab.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala, Afhayeenka Guddiga ayaa Warbaahinta u sheegay in xubnahaan ay ka kala yimaadeen Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, Puntland, Somaliland & Beelaha Banaadiriga ah.
“34-taas Xubnood waxa ay kala ahaayeen 11-xubnood oo ah Guddiga maamulka Doorashooyinka heer federaal FIAT, 3-xubnood oo ah xalinta Khilaafaadka, 7-xubnood oo ah Guddiga maamulka Doorashooyinka heer Dowlad-Goboleed ee Somaliland, 5-xubnood heer DG Galmudug, 3-xubnood koofur galbeed, 2-xubnood HirShabeelle, 5-Banaadiriga ah 1-xubin Puntland, Jubbaland oo badashay xubno geeriyooday iyo kuwo tabasho laga keenay, 3-xubnood oo Somaliland kasoo jeeda oo tabasho laga keenay balse ay kawada hadlayaan Ra’iisul Wasaaraha, ku xigeenkiisa & Guddoomiyaha Aqalka sare” Sida uu sheegay Al-Cadaala.

Heshiiskii 27-May-2021 oo golaha Wadatashiga Qaranku ku saxiixay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dhigayaa in muddo laba bil ah ay dalka uga dhacdo doorashada labada gole ee Baarlamaanka, dib u dhaca doorashooyinka labada gole ee Baarlamaanka ayaa sababtay xasarad iyo xasilooni la’aan siyaasadeed oo dalku ku jiray laga soo billaabo Augosto-2020 iyada oo xasaraddaas oo gaartay dagaal lagu soo afjaray heshiiskii doorashooyinka Qaranka ee 27-May-2021
Mustaqbal
