Waa sidee Xaaladda Qoysaska Ka barakacay Fataahadda Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay Jowhar?

Wasiirka Gargaarka DG Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoor-gaab ayaa Warbixin kasoo saaray xaaladda qoysaska ka barakacay fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay Magaalada Jowhar, waxa uu dalbaday in la gacansiiyo qoysaskaans.

Cabdi Mahad waxa uu tilmaamay in Dadka barakacay ay u badan yihiin Beeraley, Dallagii ay beerteen oo ay rajada wanaagsan ka qabeyn saameysay fatahaadda uu ku sameeyay Wabiga Shabeelle sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka ku dhibaateysan Hir-Shabeelle gaar ahaan qoysaska ka barakacay Fatahaadda Wabiga Shabeelle waa Hoy la’aan, ma heystaan gabbaan ay ka galaan Kaneeca habeenkii iyo kuleelka maalintii, waxa aan u dalbayaa gurmad degdeg ah” ayuu yiri Wasiirka Gargaarka DG Hir-Shabeelle.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo 3-dii June 2021 safar ku tagay Magaalada Jowhar waxa uu ku baaqay in wadajir loogu gurmado qoysaska ka barakacay fatahaadda uu ku sameeyay Wabiga Shabeelle.

DG Hir-Shabeelle oo soosaartay Warbixinta Deegaannada fatahaadda looga barakacay ee Gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe waxa ay ku kala sheegtay: Jowhar, Baladweyne, Jalalaqsi, Buulo burde, Balcad iyo tuulooyinka ku teedsan Jiinka Wabiga.

Jowhar oo keliya waxaa ka barakacay 7,470-qoys oo Beeraley & Xoolo dhaqato ah waxaana ay ku noolaayeen 15-Tuulo sida ku xusan warqad kasoo baxday Guddiga Madaxweyne Cali Guudlaawe u xilsaaray fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Xukuumadda Soomaaliya oo 34-xubnood ka saartay Guddiga Doorashooyinka!

Read Next

AMISOM oo guddi u xilsaartay duqeyn Kenya ka fulisay Gobolka Gedo.