Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya
Ugu yaraan labo ka mid ah Xujeyda Soomaalida ah ee sanadkan ka qeybgalayay Xajka ayaa ku geeriyooday sida ay shaacisay Dowladda Sucuudiga.
Magacyada labada Xujey ee Soomaalida ah ee geeriyootay ayaa lagu kala sheegay Xaaji Axmed Saalax iyo Xaaji Xasan Maxamed jimcaale.
Dhimashadooda waxaa ay timid kaddib markii shalay ay isbuurasho ka dhacday Mina oo 5KM u jirta Magaalada Barakeysan ee Maka.
Agaasimaha Waaxda u adeegidda Xujeyda Fahad Abuu Daalib,ayaa xaqiijiyay geerida Xujeyda Soomaalida ah .
Sanadkii la soo dhaafay ayaan wax dhimasho ah laga warin Xajka halka sanadkii kaas ka horreeyay ay geeriyoodeen dad ay dowladda Sucuudiga ku sheegtay 700 qofmhayeeshee waddamada Muwaaddiniintoodu Xajka aadeen tirada intaas ka dabiyeen,waxaan sanadkaas ay Soomaaliya ku lahayd 8 Xujey oo geeriyootay.
