Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya
Saraakiil u hadashay Booliska Dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen afar qof iyo 36 Tan oo Sokor ah oo laga qaaday Soomaaliya qaab aan sharci ahaynna lagu gelinayay gudah Dalka Kenya.
Wanyama Musiambo, oo ah Taliye ku xigeenka Booliska Kenya ayaa sheegay in Afarta qof iyo Saddex Gaari oo kuwa Xamuulka ah islamarkaana ay ku raranyihiin Sokor iyo SIgaar lagu qabtay Wajeer iyaga oo gudaha Kenya lagu sii waday.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in sidoo kale ay Gobolka Waqooyi galbeed ee Kenya ku qabteen 691 Kartoon oo Sigaar ah iyo qofkii waday sidaasna talaadadii iyo Arbacadiiba ku qabteen labada howlgal.
Waxaa ay saraakiishu sheegeen in kooxda ku shaqada leh baarista badeecadaha ay ku wareejiyeen Sokorta iyo Sigaarka islaamrkaana uu baaritaan ku socdo.
Dhimaca dadka loo xiray arrintan ee afarta qof ah ayey sheegeen in ay ku jiraan Xabsiga loona gudbinayo hay’adaha garsoorka Dalka Kenya.
Wanyama, waxaa uu Ganacsatada Kenya uga digay in aysan ku deg deign beedahaca aan ruqsadda ka heysan Dowladda in ay dalka geliyaan haddii kalena ay wajihi doonaan sharci adag sida uu hadalka u dhigay.
Kenya waxaa ay sanadkiiba $8Milyan oo dollar ku khasaartaa Badeecadaha tayada liita ee dalkeeda la geliyo ama si qarsoodi ah ay Ganacsato u geyso dalkaas.
Isha:Xinhua
