Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa kahor yimid muddo kororsiga Goleyaasha Maamulka Waqooyi Galbeed kaddib markii ay fashilmeen tallaabooyinkii laga sugayay in Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro u qaaddo qabsoomidda Doorashooyinkaas isku sidkan.
Maxamed Kaahin oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhagaysto dhammaan saamileyda Siyaasadda oo aan go’aankaas lagu dhisin dhinaca Xukuumadda iyo Xisbiga Talada haya ee Waddani.
Kaahin ayaa sheegay in ay habboon tahay fursad la siiyo Guddiga Maamula Doorashooyinka halkii la rabay in laga fursado muddo kororsi oo keenaysa is qabqabsi, kala qaybsannaanta Bulshada iyo dhaawac ku yimaada rajadii laga sugayay.
“Golaha Guurtida kama codsan in uu muddo kordhin sameeyo, Guddiga Doorashooyinka waxa uu codsaday 10 bil waxa ay ahayd in loo daayo oo aan waqti dheeraad ah loogu darin” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed
Golaha Guurtida Maamulka Waqooyi Galbeed oo xilhayntiisa dastuuriga ah horay u dhammaaday ayaa muddo kororsi 2 sano iyo 3 bil u sameeyay Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Maamulkaas.
Mustaqbal
