Xiritaanka 1XBET ee Soomaaliya, xal ma u noqondoona dhibaatada ay ka dhaxleen dhallinyarada & Askarta Isticmaasha?

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay in uu qatarta amni ku yahay isticmaalka Abka lagu magacaabo 1XBET, kaas oo ay aad u isticmaalaan dhallinyarada iyo ciidamada dowladda, kuwaas oo qaar ka mid ah ka soo muuqday Maxkamadda.

Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi Cumar Muumin oo degmada Kaaraan warbaahinta kula hadlay August 29, 2024-ka ayaa sheegay in dambi kasta oo magaalada Muqdisho ka dhaca uu salka dhigto isticmaalka Ablikeeshanka lagu magacaabo 1XBET.

Macallin Mahdi oo ka hadlay Qatar 1XBET ayaa yiri, “Dambi kasta oo dhaca 1XBET ayuu salka dhigtaa, sababtoo ahaa qofkaan qamaar ayuu dhiganaa $5 ama $10 ayuu dhigtay mushaarka ayaa u soo dhacay, markii uu ka dhammaado oo laba jeer laga dhaco hebal ayuu wacaa, wuu ka waynaa, qoray ayuu horay u qadanaa laba qof ayuu taleefan ka qaadanaa si uu u dhigto 1XBET, ama wuu u dilaa.”

Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi Cumar Muumin ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay ka soo saartay xeer dhigaya in Abkaan uu yahay dambi, kaas oo uu carbaabay in dhawaan la dhaqan galin doona.

dhanka kale Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi Cumar Muumin, ayaa digniin u diray dadka ay hantida ugu jirta in ay kala baxaan, isaga oo sheegay in ay mamnuuc tahay, “In la xayeysiiyo, laga ganacsado, lana ciyaaro.”

Macallin Mahdi ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday in 1XBET uu mushkilad weyn ku hayo dalka, ayna ula diri doonaan sidii ay ula dirireen FOREX , kaas oo sannado ka hore Soomaaliya mar u qura qabsaday isticmaalkiisa, taas oo sababtay in shirkado badan ay musallifaan.

Sanadkii hore August 20-keeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ay soo saartay waxaa lagu amray shirkadaha Internetka bixiya in ay hawada ka saaraan barnaamijyada TikTok, Telegram iyo 1XBET, balse ma uu san dhaqan gali go’aankaas.

Haddaba maxaan ka naqaanaa 1XBET?

Sanadkii 2007 ayaa la aasaasay, waa bar khamaarka internetka lagu cayaaro, waxaana mamnuucday hay’adda canshuuraha Maraykanka bishii Janaayo ee sannadkan.

Shirkadda1XBET ayaa shaacisay inay kacday bishii Juun ee sanadkii 2022, balse waa mid hadda shaqeysa.  Bishii Luulyo 2019 waxaa heshiis wada shaqayn la gashay kooxda kubadda cagta ee Barcelona.

Waxa lagu eedeeyey in siyaabo sharciga ka baxsan ay u shaqayso, waxaana guddi baaris oo Ruush ah ay shaaciyeen bishii Agoosto 2020 magacyada rag la aaminsan yahay inay abuureen oo la kala yiraahdo Sergey Karshkov, Roman Semiokhin iyo Dmitry Kazorin.

Mustaqbal 

MM Staff

Read Previous

Xildhibaanno kasoo jeeda DG Koofur Galbeed oo kahor yimid in Dadka lagu qasbo in ay taageero u muujiyaan Itoobiya

Read Next

Golaha Shacabka BJFS oo u codeeyay Xildhibaanka buuxinaya Xubin ka bannaaneyd Guddiga la socodka & dib u eegista Dastuurka