Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan oo Isbitaal la dhigayo
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo safray magaalada Muqdisho, ka dib safar dhinac dhulka ah oo uu ku maray degmooyin ka tirsan Galmudug.
Madaxweynaha ayaa galinkii dambe ee maanta ka soo safray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo uu maanta kulamo kula yeeshay Madaxda iyo Qeybaha Bulshada.
Safarka Madaxweynaha ayuu ku soo maray Dhuusamareeb, Xananbuure, Cadaado, Galinsoor, Bandiiradley iyo Gaalkacyo.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa Safarkan ku tilmaamtay mid nabadeed, iyadoo Madaxweynaha degmo kasta uu meel fagaare ah kula hadlayay Bulshada.
Madax uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Taliyaha Militeriga Soomaaliya, Mas’uuliyiin iyo Saraakiil kale ayaa qeyb ka ahaa Safarka ka billaawday Dhuusamareeb ee ku soo gaba gaboobay Magaalada Gaalkacyo.
Mustaqbal
