Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan oo Isbitaal la dhigayo
Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa maanta soo saartay amar la xiriira in raysal wasaarihii hore ee dalkaas, ahna aasaasaha xisbiga mucaaradka ee PTI, Imran Khan, laga wareejiyo xabsiga Adiala Loona lana geeyo Isbitaalka Shifa International ee magaalada Islamabad.
Go’aankan ayaa waxaa qaatay saddex xubnood oo ka tirsan garsoorka maxkamadda, iyadoo Imran Khan bilihii la soo dhaafay uu wajahay xaalad Caafimaad.
Sidoo kale, maxkamadda ayaa amartay in go’aankan lagu fuliyo laba maalmood, waxaana Mr Khan loo oggolaaday booqashada qoyskiisa iyo khadka Taleefanka inuu kula hadlo Walaashiis oo ku nool dalka dibaddiisa.
Xaaladiisa Caafimaad ayaa waxaa kormeeri doona Guddi Caafimaad oo ay kamid yihiin Dr Uzma Khan oo ay walaalo yihiin Imran Khan iyo dhaqtarkiisa gaarka ah Dr.Faisal Sultan.
Muddada uu Isbitaalka Joogayo Sida uu qorshuhu yahay, Imran Khan ayaa isbitaalka ku jiri doona ugu yaraan illaa 16-ka bishan Sebtembar, oo ah maalinta loo ballansan yahay dhageysiga dacwadda xigta.
Imran ayaa la xiray bishii Agoosto 2023, waxaana markaasi lagu eedeyay dhowr dacwadood oo la xiriira laaluush iyo musuqmaasuq, kuwaas oo isaga iyo taageerayaashiisuba ay ku tilmaameen been abuur lagu sumcad dilayo.
Mustaqbal
