Ciidanka AUSSOM oo howlgal Miino baaris ah ka sameeyay Baladweyne
Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyo Deegaanka Ceelgaal si ay usoo saaraan miinooyinka la geliyay waddadaas.
Howlgalkaan waxaa dhinaca barbar socday baaritaanno gaadiidka lagu samaynayo iyo kuwa deegaannada ku dhow waddadaas muhiimka u ah isu socodka Magaalada Baladweyne Deegaanka Ceelgaal sida hadalka loo dhigay.
Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa baaray meelaha la gelin karo qaraxyda sida miinooyinka oo dhowr jeer ku qarxay Gaadiid isugu jira kuwa Rayidka iyo ciidamadu adeegsadaan sida ay tilmaamayaan xogaha laga helayo Baladweyne.
Qaybta 4aad ee Howlgalka Midowga Afrika ayaa mas’uul ka ah nabadgalyada Gobolka Hiiraan, Saldhigyo ciidan oo joogto ah iyo kuwo ay mararka qaar ka dhigtaan talis ay ka howlgallaan ayaay ku leeyihiin waxaana ay la kulmaan weerarro iyo qaraxyo ay u gaystaan ‘AS’
Mustaqbal
