Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi
Xiriirka Kubadda Cagta ee Uruguay ee loosoo gaabiyo AUF ayaa qaaday tallaabo falcelin xooggan dhalisay kaddib markii xulka dalkaas oo kasoo haray Koobka Adduunka 2026 uu ka joojiyay in uu u diro Diyaarad gaar ah.
Wargayska El País iyo Teleefishinka Tenfield ayaa bannaanka soo dhigay sheekadaan oo markii hore si hoose bannaanka u timid, waxaana ay soo xigteen ilo ay qariyeen macluumaadkooda iyaga oo xoojiyay jiritaanka arrintaas.
Ciyaartoyda oo ay wehliyaan macallinka, caawiyeyaashiisa, Dhaqaatiirta iyo howlwadeennada kale ee xulkaas la socda ayaa ku sabsan in ay diyaaradaha rayidka ah kala raacaan halkii ay dalkooda dib ugu laaban lahaayeen iyaga oo saaran diyaarad qura oo soo dhaweyn loo sameeyo.
Qaar kamid ah ciyaartoyda ayaa tallaabadaasi ka carootay iyaga oo sheegay in aysan dib ugu laaban doonnin dalkooda oo meelo kale ay mari doonnaan maadaama ay ku dhacday ‘Koob la’aan iyo diyaarad la’aan’ sida hadalka loo dhigay.
Xulka Uruguay ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ee heerka Guruubyada Koobka Adduunka 2026 ku dheelay dalka Mexico balse dib ugu laabashadooda Caasimadda Montevideo waxa ay ku dhalisay niyad jab xooggan mar haddii Diyaaradaha caadiga ah ay raacayaan.
Mustaqbal
