Qayb u gaar ah Haweenka ka xannuunsaya Dhimirka oo dib looga hirgeliyay Isbitaalka Laansaleeti

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u howlgelisay Qaybta Dhimirka Haweenka ee Isbitaalka Laansaleeti ee Magaalada Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac ayaa Xarrig jaray qaybtaas dib loo howlgeliyay.

Talyaaniga ayaa hirgeliyay mashruucaan dib loogu howlgelinayo qaybtaan u gaarka ah dumarka ka xannuunsanaya dhimirka kuwaas oo sababo kala duwan u qaaday xannuunkaas sida ay sheegeen khubarrada Caafimaadka.

May be an image of lighting and text

Dalalka Colaadaha, Abaaraha iyo duruufaha gaarka ah ay ka jiraan oo Soomaaliya ay kamid tahay waxaa ku badan xannuunada Dhimirka kuwaas oo loo sababeeyay xaaladahaas isbiirsaday sida ay ku warrameen bahda Caafimaadka.

May be an image of one or more people, dais and text

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyay dedaallada dhinaca caafimaadka iyo adeegyada kale ee Bulshada lagu horumarinayo isla markaana ay gacanta ka gaysanayso Dowladda Talyaaniga.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Xiriirka Kubadda Cagta Uruguay oo Xulkooda ka joojiyay in uu Diyaarad gaar ah u diro

Read Next

Booliiska oo soo bandhigay dhallinyaro ku eedeysan faafinta anshax xumo