MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed waxaa maanta la geeyay Ciidamo katiran Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka oo Deegaan Doorashoodu tahay Koofur Galbeed ayaa kahor yimid go’aanka Ciidankaas lagu geeyay Baydhabo.
Aadan Maxamed Nuur (Sh.Aadan Madoobe) iyo Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baydhabo warbaahinta kula hadlay waxa ay Dowladda Federaalka ku dhaliileen in aan taageerin Ciidamada Booliiska Koofur Galbeed.
Tallaabada Ciidamada maanta loo geeyay waxa ay ku sheegeen in lagu Carqaladeynayo Doorashada Koofur Galbeed la filayo in ay ka dhacdo 5-ka bisha soo socota ee December.
Madaxda Dowladda waxa ay kula dardaarmeen in aysan sabab u noqon burbur iyo colaad ka dhacda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ay rajeynayaan ciidamo kale oo Booliis ah si ay ugu qayb qaataan sugidda ammaanka inta lagu guda jiro Doorashada.
Maalmihii lasoo dhaafay ayuu sheegay in Deegaano katirsan Koofur Galbeed gaar ahaan Gobolka Bay ay Al-Shabaab ka geysteen Falal Amniga Liddi ku ah, hadii Ciidamo dheeraad ah ay ka helaan Dowladda uu sii adkaanayo Ammaanka sida uu hadalka u dhigay.
Hadal heynta Ciidamada la geeyay Baydhabo ee ay kasoo horjeysteen Xildhibaanada Golaha Shacabka isaga oo si dadban ugu jawaabay waxa uu tilmaamay in Ciidamada la geeyay meel kamid ah Soomaaliya, kaliyane ay ku eg yihiin sugidda Ammaanka.
Ka wasaarad amni ahaan aan jirin Culeys iyo dhib ay ku qabaan Ciidamada la geeyay Magaalada Baydhabo iyo kuwa kale ee loo qorsheynayo sida uu tilmaamay.

