Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii 15-aad ee kalfadhiga toddobaad, kaas oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Kulanka oo ay kasoo qayb galeen 140 xildhibaan ayaa diiradda lagu saaray akhrinta labaad ee Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca, una soo maray akhrinta koowaad iyo falanqaynta guddiyada arrimaha dibadda iyo difaaca.
Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay qodobbada heshiiska, iyagoo su’aalo weydiiyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo fadhiga goobjoog ka ahaa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray guddiyada ay khuseyso in ay soo diyaariyaan akhrinta saddexaad si golaha loogu soo bandhigo cod u qaadis.
Ugu dambayn, xildhibaannada waxaa loo qeybiyay akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.
Mustaqbal
