Soomaaliya iyo Interpol oo ka wada hadlay iskaashigooda la xiriira dhinaca amniga iyo is weedaarsiga xogaha.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Booliska (Interpol), Axmed Naasir.

Kulanka oo qabsoomay intii uu socday Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol, oo sanadkan ka dhacay magaalada Marrakech, Morocco.

Labada mas’uul ayaa wada hadlay qoddobo ay kamid yihiin la dagaallanka dambiyada abaabula, ka hortagga argagixisada, is-weydaarsiga xogaha amniga ee caalamiga ah, tababarrada iyo taageerada farsamo ee hay’adaha amniga Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga ayaa uga mahadceliyay Interpol doorka ay ku leedahay xoojinta amniga caalamka, isaga oo muujiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada iskaashiga amni ee caalamiga ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Interpol Mudane Axmed Naasir ayaa ammaanay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee amniga, waxaana uu ballan qaaday in Interpol ay sii kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol ayaa ah mid ka mid ah madalaha looga arrinsado amniga caalamiga ah, xilli Soomaaliya ay dareemayso dib u soo kabasho amniga.

Mustaqbal

 

 

MM Staff

Read Previous

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday aas aasida ciidanka heeganka ee Bariga Afrika

Read Next

Militeriga Guinea-Bissau oo talada dalkaasi la wareegay iyo khalalaase siyaasadeed oo halkaasi ka taagan