Xildhibaanka ugu da’da weyn baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho.

Ismaaciil Cilmi Boqorre

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee Waqooyiga magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in goordhow lagu dilay Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabo Cismaan Cilmi Boqore, waxa uu dilkiisa ka dhacay meel aan ka fogeyn hoygiisa, waxaana dilka kadib durba tagay goobta Ciidamada amaanka oo sameeyay howlgal baaritaano ah.

Marxuumka la dilay oo ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn golaha Shacabka ee baarlmaanka Soomalaiya, waxa uu hore u soo noqday Kuxigeenka 2-aad ee baarlamaankii lagu soo dhisay dalka Kenya, isagoo mudo ku soo jiray Hay’ada Sharci dejinta dalka.

 

News Editor

Read Previous

Madaxweyne Deni oo booqday Taliska guud ee ciidanka Puntland.’sawiro’

Read Next

Madaxweyne Farmaajo oo laamaha amniga faray inay baaris ku sameeyaan dilka Xil. Cismaan Cilmi Boqorre