Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Xildhibaan Cabdirashiid Abwaan, oo ka tirsanaa Golaha Wakiilada Puntland kana soo baxay deegaanada Sanaag, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii xildhibaanimo.
Xildhibaan Cabdirashiid ayaa kamid ahaa xildhibaanada kasoo jeeda gobollada Sanaag kuwaas oo muujiyay rabitaankooda ku aaddan inay ku biiraan dowlad-goboleedka SSC Khaatumo.
Iscasilaadiisa ayuu xildhibaanku ku sababeeyay doonistiisa ah inuu ka shaqeeyo mideynta iyo dhismaha maamulka SSC Khaatumo. Isagoo ka hadlayay shirka dhammeystirka maamulkaasi ayuu yiri: “Xubinimadii aan ka hayay Golaha Wakiilada ee dowladda Puntland waan ka tanaasulay. Waxaan uga tanaasulay si aan uga qayb qaato halganka siyaasadeed ee ku saabsan dhismaha iyo mideynta Khaatumo iyo Maakhir.”
Golaha Wakiilada Puntland waxaa ku jira xubno ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo la filayo inay si rasmi ah ugu biiraan maamulka SSC Khaatumo marka dhismahiisa la dhammeystiro.
Hase yeeshee, lama oga mustaqbalka siyaasadeed ee xildhibaanada iyo wasiirrada xilalka ka haya Puntland ee ka soo jeeda gobolladaasi, haddii maamulka SSC Khaatumo si buuxda u dhammeystirmo.
Mustaqbal
